Arabian Peninsula Danjiraha Shisheeye ee Soomaaliya u fadhiya Qatar

Danjiraha Shisheeye ee Soomaaliya u fadhiya Qatar

-

Kagadaal markay Dawladda Maraykanku iska diiday Ruun Saciid Qoorsheel ayaa  loo magacaabay Ruun  inay noqoto siihayaha Safaaraddeena ku taalla Dalkaas Qatar markay xilka kala wareegtay Safiirkii hore durba waxay magacawday ‘’Ergayga Amuuraha Gaarka ah ee Safaaradda ‘’ waxayna u macawday nin u dhashay Marooko  macagiisana la yiraahdo ‘’Maxamed Riyad Cabdulqadir’’  ninkan ayaa leh Shirkad dhalanteed ah lana yiraahdo KON W.L.L xafiisna ku leh Dooxa wuxuuna leeyahay magac ka duwan kan kusoo baxay warqadda magacaabista ee kasoo baxday xafiiska Siihayaha Safaaradda Soomaaliyeed  oo ah Mr. Mohamed Riad Massani 

Dublamaasi ka tirsan Wasaaradda Amuuraha Debadda ee Dalkaas Qatar ayaa ii  xajiiyay inay su’aalo ka waydiiyeen Siihayaha qudheeda hasa ahaatee waxay ku guul daraysatay inay noo soo gudbiso macluumaadka dhabta ah ee ninkan iyo shaqada uu qabanayo waxay tahay

Dublmaasi Qatari ah ayaa ii sheegay inay maalmo kahor booqashadii Madaxwayne Xassan ee Dooxa inay ogaadeen  in Xafiiska Shirkadda ninkan lee yahay ( KON GROUPS ) inuu yaallo nuqul tiimbaraha Safaaradda Soomaaliya halkaasna lagu qoro warqado aan lahayn summadda tixraaca  kaydka dukumiintiyada Safaaradda Soomaaliyeed .

Ganacsato reer Qatar ah ayaa u xaqiiyay Habmaamuuska Wasaaradda Dibadda Qatar inay lasoo xariirtay gabadh u dhalatay Dalka Hindiya  lana yiraahdo  Revathi Krishnan ayadoo ku hadlaysa magaca Safaaradda Soomaaliya, Gabadhan ayaa doonaysay inay balamo u samayso Xog-hayaha joogtada ee Wasaaradda Amuuraha Debedda Soomaaliyeed oo markaa booqasho ku imanayay Dalkaas Qatar

Dublamaasi ka tirsan Hab-maamuuska Wasaaradda Amuuraha Debedda Qatar ayaaa ii sheegay in Siihaye Ruun Qorsheel, Xoghayaha 1aad Cabdirisaaq Cabdi iyo ku xigeenkiisa  Maxamed Nour laguna garan og yahay (Badar) ay Wasaaradda mar walba iska galaan ballan la aan waraaqahana aysan marsiin jidka loogu tala galay waxayna WhatsApp ugu diraan Agaasimaha hab-maamuuska Wasaaaradda Ibrahim Fakiir sidoo kale  xafiis yada ayay iska galaan ayagoo daba socda warqad ay soo direen jawaabteedi taasoo baal marsan hab maamuuska dublamaasiga .

Siihayaha Safaaradda Ruun Qorsheel ayaa heshiis is af garad la saxiixday shirkad uu leeyahay Ninka ay ergayga u magacawday oo la yiraahdo Kon Groups waxaana la ii sheegay in shirkaddan ay doonayso inay dib u habayn ku samayso dhismaha safaaradda Soomaaliyeed waxaana lacag nus malyuun gaaraysa laga codsaday Dawladda Qatar.

Al Massani wuxuu Safaaradda Soomaaliya keenay Nin Marookaan ah oo u fadhiya soo dhawaynta sidoo kale Nin Kiinyaan ah oo waardiye ah ( Waxaa Safaaradaha ilaaliya Ciidanka ilaalada hay’adaha dublamaasiga ah ee Qatar fadhiya )  waxaa intaas dheer waxaa la eryay gabadh Soomaaliyeed oo ahayd ( Local Staff ) waxaana lagu badalay nin Pakistani ah oo uu keenay Almassani

Dublamaasi ka tirsan Safaaradda Suudaan ayaa ii sheegay in ninkan uu Safaaradaha Itoobiya iyo Suudaan ee Dalkaas Qatar uu magacooda lacago uga qaatay Dawladda Qatar , si kastaba waxaan helay xog sheegaysa in Ninkaan laga mamnuucay xayn daabka Safaaradda Turkiga ee Dooxa kadib maarkii uu Sawir uu Safiirka Turkiga la galay uu u isticmaalay hab been abuur ah.

Booqashadii Madaxwayne Xassan ee Dooxa  Al Massani wuxuu kasoo muuqanayay dhinaca Madaxwaynaha dhammaan kulamada sida ka muuqata sawiradda laga soo qaaday taasoo laga dheehan karo Al Massani inuu taagan yahay booska Danjiraha Dalkeena u joogo dalkaas Qatar, Magacaabista ninkan ayay suura gal tahay inuu Xafiiska Madaxwaynuhu ka war hayo . Ninkan Carabka ah ayaa Vilada lagu dhex arkay waxaase la ii xajiijin waayay cidda gaysay iyo maqaamka uu ku tagay halkaas

W/Q F. Xiirane
+ posts

Latest news

36 Fully Funded PhD Programs at Max Planck Society, Germany

Are you holding Master’s degree and looking for fully funded PhD positions? Max Planck Society, Germany invites online application...

Novgorod: Academic Tournaments, Jobs, Education, and Discussions

After dealing with the Azerbaijan-Armenia conflict in the morning, Putin went to one of Russia’s oldest cities to talk with the...

Avoiding the War on Terror would have saved over 10 million lives at home and abroad

The peace movement in various parts of the world has emphasized in various contexts that if the huge amounts...

Putin’s Butt-sitting Leading to More Escalation

Putin’s Butt-sitting Leading to More Escalation Paul Craig Roberts Russian media now turning on the butt-sitter, demanding an end to his...

RT Crosstalk: NATO All In Despite Sinking Like Titanic

Western elites and their compliant media have signaled that the Ukraine proxy war is primarily aimed at weakening and...

Netanyahu tells UN that Israel is ‘at the cusp’ of a historic agreement with Saudi Arabia

UNITED NATIONS (AP) — Israeli Prime Minister Benjamin Netanyahu told the U.N. General Assembly on Friday that Israel is...

Must read

36 Fully Funded PhD Programs at Max Planck Society, Germany

Are you holding Master’s degree and looking for fully...

Novgorod: Academic Tournaments, Jobs, Education, and Discussions

After dealing with the Azerbaijan-Armenia conflict in the morning,...

You might also likeRELATED
Recommended to you